Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa cayintay tirada saacadaha waxbarasho ee laga doonayo dugsiyada dalka, iyadoo sheegtay in tallaabadani waafaqsan tahay manhajka waxbarashada qaranka. Sida ay maanta sheegtay wasaaraddu, ardayda dhigata dugsiyada hoose iyo dhexe waxaa sanadkii looga baahan yahay ugu yaraan 1,008 saacadood oo waxbarasho ah, halka ardayda dugsiyada sare loogu talagalay 1,134 saacadood sannad dugsiyeedkii.
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Aasaasiga ah ee Wasaaradda, Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar, ayaa sheegay in saacadahaasi yihiin kuwa manhajka qaranku u asteeyey heerarka kala duwan ee waxbarashada.
“Saacadaha waxbarasho ee loogu talagalay dugsiyada hoose iyo dhexe waa 1,008 saacadood sannadkii, halka saacadaha loogu talagalay ardayda dugsiyada sare ay yihiin 1,134 saacadood,” ayuu yiri Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar.