Muqdisho (Dawan)– Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa Jimcihii shaaciyay in dib loo billaabi doono bixinta kaararka codbixinta ee magaalada Muqdisho, si fursad kale loo siiyo muwaadiniintii aan hore u qaadan kaararkooda.
Arrintan ayuu Guddigu ka sheegay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu sagootinayay xubno ka tirsan guddiga oo ka howl geli doona degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Howlgalka Doorashooyinka, Maxamed Amiin Xasan Cabdalla, ayaa sheegay in tallaabadan ay si gaar ah u quseyso dadka reer Muqdisho ee aan hore u helin fursad ay ku qaataan kaarka codbixinta. Wuxuu xusay in in ka badan 400,000 oo kaar ay weli harsan yihiin bixintooda.
“Dadweynaha magaalada Muqdisho waxaa loo billaabi doonaa bixinta kaararkii kuwii aan hore u helin, iyadoo in ka badan 400,000 oo kaar ay weli harsan yihiin,” ayuu yiri Maxamed Amiin.





