Beledweyne (Dawan)— Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa amartay in hub lala geli karin Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, iyadoo cambaareysay rabshadihii hubeysnaa ee ka dhacay magaalada, gaar ahaan weerar lagu qaaday hoyga Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu Xafiiska Hoggaamiyaha Hirshabeelle soo saaray 19-kii Nofeembar, waxaa sidoo kale la cambaareeyay falal carqaladeeyay amniga garoonka iyo hakad saacado qaatay oo ku yimid adeegyada garoonka diyaaradaha. Hirshabeelle ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay rabshadaha, iyadoo caafimaad degdeg ah u rajeysay dadka ku dhaawacmay. Bayaanka laguma sheegin tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.
Dowlad Goboleedka ayaa sidoo kale cambaareysay weerar lagu qaaday ciidamada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo gacanta ku haya amniga garoonka.