Hargeysa (Dawan) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Isniintii sheegay in howlgal ay ka sameeyeen lagu qabtay hal eedeysane iyo gaari siday xashiish, khamri iyo kaniiniyo maandooriye kale oo shaci darro ku soo galay Somaliland.
Taliyaha Booliska, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in maandooriyaha oo ay soo qabteen qeybta la dagaallanka mukhaadaraadka, uu ka koobnaa toban xirmo. Taliyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada boolisku ka go’an tahay inay si joogto ah ula dagaallamaan mukhaadaraadka.
“Ciidanka Booliska waxa uu diyaar u yahay inuu la dagaallamo wax kasta oo waxyeello u geysta bulshada Somaliland,” ayuu yiri taliyuhu.
Booliska ayaa dhacdadan ku tilmaamay arrin halis ah oo aan hore uga dhicin Somaliland, balse iminka isa soo taraysa. Waxay sheegeen in mukhaadaraadku si gaar ah ugu faafayo dhalinyarada, taas oo khatar weyn ku ah mustaqbalkooda iyo caafimaadka guud ee bulshada.
Saraakiisha ayaa uga digay ganacsatada iyo dadka kale ee ku lug yeesha in dalka la keeno.
Waxaa qoray Dawan Desk - Reporter
Maqaallo la xidhiidha
Maqaallo La Xidhiidha
Maxay Dowladdu la tagtay wadahalladii mucaaradka ee Xalane?
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →
Soomaaliya oo bilowday kormeerka ilaalinta xogta ee Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka ah
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →
Sidee Soomaaliya uga falcelisay qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus?
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →


