Jigjiga (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa xarigga ka jartay wajiga koowaad ee mashruuc waddo oo isku xiraya deegaanno ka tirsan Gobolka Faafan, isla markaana dhagax dhigtay wajiga labaad ee mashruucaasi, kaas oo qeyb ka ah barnaamij lagu horumarinayo isku xirka waddooyinka miyiga oo uu taageerayo Bangiga Adduunka.
Munaasabadda oo Khamiistii ka dhacday degmada Qabribayax, waxaa ka qeyb galay Wasiirka Xafiiska Jidadka Deegaanka Soomaalida , Idiris Muuse Cabdi, Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Carruurta, Xaliimo Xasan, Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha, Cabdirisaaq Sayid, iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan iyo heer gobol ah, sida uu sheegay Xafiiska Jidadka Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Mas’uuliyiintu waxay si rasmi ah u daahfureen wajiga koowaad ee mashruuca waddada Qabribayax–Mula (Lot 1), kaas oo isku xiraya degmada Mula iyo deegaanka Qooraan, dherer ahaanna gaaraya 25 kiiloomitir.
Waxay sidoo kale dhagax dhigeen wajiga labaad ee mashruuca (Lot 2), kaas oo isku xiri doona Qooraan iyo Humbuq oo ka tirsan degmada Mula ee Gobolka Faafan.
Sida uu sheegay Xafiiska Jidadka Deegaanka Soomaalida, mashruuca waxaa laga fulinayaa barnaamijka Rural Connectivity Access Programme (R-CAP), oo ah mashruuc lagu ballaarinayo shabakadda waddooyinka miyiga, isla markaana lagu xoojinayo isku socodka guud ahaan Deegaanka Soomaalida.


