Somalia, 9 Abriil 2026 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u daah-furay xarunta biya -qabadka Siigaale oo dib loo dayactiray, kaaas oo ah mashruuc loogu talagalay in lagu yareeyo fatahaadaha xilli roobaadka ee caasimadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xariga ka jaray mashruucan oo ah goobta ugu weyn ee lagu ururiyo biyaha roobka ee ka yimaada toddobo degmo oo magaalada ka tirsan.
“Maanta waxaan daah-furaynaa mashruuc istiraatiiji ah oo door weyn ka qaadan doona badbaadinta nolosha iyo hantida dadka caasimadda,” ayuu yiri Muungaab. Waxa uu ku tilmaamay dhammaystirka shaqadan, oo billowday dabayaaqadii Agoosto 2025, inuu yahay tallaabo muuqata oo lagu xoojinayo amniga bulshada iyo hab-nololeedka.


