Diridhabe, DDS – Isku day lagu dhisayo xarunta Ururka Daryeelka Kutubta Duugowday ayaa si rasmi ah uga socda magaalada Diridhabe, iyada oo xaruntan loogu talagalay in lagu xannaaneeyo kutubta duugowday si loo xafido dhaxalka aqooneed ee bulshada.
Ururkan, oo la aasaasay sannadkii 2013, wuxuu hawlgalka ku bilaabay guri yar oo jiingad ah kahor inta aan loo kireyn dhisme ka kooban afar qol oo kutubta lagu kaydiyo. Kadib, ururka wuxuu helay dhul loogu talagalay dhismaha xarunta, taasoo lagu qiyaasay inay ku bixi doonto 10 milyan oo birr.