Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah in duqeyn ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbo caalami ah lagu dilay lix ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay caawa oo Jimco ah ayay ku sheegtay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo, sida ay hadalka u dhigtay, dib isu abaabulayay si ay weerarro uga geystaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay lix dagaallame oo ka tirsan Al-Shabaab isla markaana lagu burburiyay hub iyo agab ay kooxdaasi adeegsanaysay.


