Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta aasaasay xarunta cusub ee "Daarul Iftaa", taas oo noqon doonta hay’adda rasmiga ah ee ka talo bixisa arrimaha diinta ee dalka. Dhagax-dhigga xaruntan waxaa si wadajir ah u fuliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar Roobow.
Wasiir Roobow ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda xaruntan, isagoo sheegay inay saldhig u noqon doonto xallinta arrimaha diimeed ee bulshada, isla markaana ay xoojin doonto fahamka diinta ee dadka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xarunta Daarul Iftaa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dejinta iyo xallinta khilaafaadka diimeed ee bulshada dhexdeeda.






