Goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa duqeyn ka dhacday ugu yaraan 25 qof ay lagu dilay, sida ay Dowladda Soomaaliya sheegtay.
War-saafadeed oo ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamda xooga dalka gaar ahaan Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamka duqeyn ay ka fuluyeen deegaanka Maqooqaha oo qiyaastii 100KM waqooyi-galbeed kaga beegan magaaladda Kismaayo ay ku dileen ugu yaraan 25 xubnood oo Al-shabaab ah, iyaga oo intaas ku daray in ay jiraan dhaawacyo laga daadgireeyay koobta.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xubnahaan xilikii ay duqeynta dhaceysay uu shir ugu socday deegaanka, kaas oo ay ujeedadu ahayd abaabulka weeraro qorsheysan.