Hordhac
Iyadoo uu billowday wareeg cusub oo wada-hadallo siyaasadeed oo ka socda Muqdisho, haddana su'aal muhiim ah ayaa weli taagan: Yaa dhab ahaan metela mucaaradka Soomaaliya? Falanqeyntani waxay qabtaa in heshiis kasta oo lagu gaaro iyadoo aan la hayn halbeeg sharci iyo mid siyaasadeed oo cad oo lagu aqoonsanayo dhinacyada mucaaradka, uu halis ugu jiro inuu waayo sharciyad iyo kalsoonida shacabka ee mustaqbalka fog.
Maanta waxaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirar hordhac ah oo socday laba maalmood, kuwaas oo lagu doonayay in xal loogu helo khilaafka ka taagan doorashooyinka. Wada-hadalladan ayaa dhacay Talaadadii iyo Arbacadii, waxaana fududeynayay wafdi ka socday Turkiga, iyadoo dowladda federaalka ay ka qeyb gashay kormeer ahaan, halka saddex madal oo mucaarad ahna ay ka qeyb ahaayeen.
Waxaa la filayaa in Khamiista uu qabsoomo shir ballaaran oo ay ka qeyb geli doonaan dowladda federaalka, dhammaan dhinacyada mucaaradka, Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.
Marka dusha laga eego, tani waxay u muuqataa horumar siyaasadeed. Hase yeeshee marka si dhow loo eego, waxay soo bandhigaysaa su'aal aan weligeed jawaab cad laga bixin siyaasadda Soomaaliya: Yaa loo aqoonsanayaa mucaarad? Maxaase lagu saleeyaa cidda meteleysa?
Saddex madal... hal magac
Maanta waxaa jira ugu yaraan saddex madal oo siyaasadeed oo kala duwan, kuwaas oo sheegta ama loo aqoonsado inay metelaan mucaaradka.
Madasha koowaad waa Golaha Mustaqbalka, oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland, iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ay xubno ka yihiin Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul Wasaareyaayaal hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyo sidoo kale wasiir hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Isbahaysigan wuxuu ku dhisan yahay dano iyo diidmo ay wadaagaan, halkii uu ka ahaan lahaa barnaamij siyaasadeed oo mideysan. Waxaana mar kasta jirta suurtagalnimada inuu kala daato, maadaama ay ku kala aragti duwan yihiin nooca doorashada, iyadoo Madasha Samatabixinta – oo inta badan loogu yeero "Mucaaradka Jaziira", maadaama shirarkoodu ka dhacaan Hotel Jaziira – ay hal dhinac taagan tahay, halka Puntland iyo Jubbaland ay dhinac kale ka taagan yihiin.
Madasha labaad waa tan uu hoggaaminayo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo si gaar ah ugu dhaqaaqaya xisbigiisa Nabad iyo Nolol, kuna dhisan miisaanka siyaasadeed ee uu ka dhaxlay xilkiisii hore.
Madasha saddexaadna waa Madasha Midnimo Qaran, oo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana ku weheliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, iyo Daahir Maxamuud Geelle oo soo noqday wasiir, safiir iyo la-taliye madaxweyne.
Saddexdan madal waxay ka kooban yihiin madax hore, hoggaamiyeyaal dowlad-goboleedyo, iyo xisbiyo siyaasadeed, balse dhammaantood waxaa lagu wada tilmaamaa hal erey oo aan qeexnayn kaas oo ah mucaarad!
Marka dowladda iyo dhexdhexaadiyeyaasha caalamku ay yiraahdaan waxay la fariisanayaan "mucaaradka" Khamiista, su'aashu waxay tahay: Kursiga yaa leh? Yaase xaq u leh inuu ku fariisto?
Shan halbeeg oo suuragal ah... balse mid kasta wuxuu leeyahay halis u gaar ah
Haddii si dhab ah loo isku dayo in la qeexo mucaaradka, halbeeg kasta oo la isticmaalo wuxuu la kulmayaa caqabado.
Kow: Sharciyadda
Dalalka dimuqraadiga ah, mucaaradka waxaa lagu qeexaa xisbiyo siyaasadeed oo si sharci ah u diiwaangashan. Laakiin Soomaaliya maanta ma jiro mucaarad sharci ahaan loo aqoonsan yahay, maadaama madallada siyaasadeed intooda badan aysan isu diiwaangelin xisbiyo rasmi ah.
Haddii sharciyaddu tahay halbeegga, markaas dowladda waxay la xaajoonaysaa ururro aan sharci ahaan jirin.
Laba: Gacan ku haynta dhulka