Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya waxay sannadihii u dambeeyay qaaday tallaabooyin cusub oo lagu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo muwaadiniintu si toos ah u dooranayaan xubnaha golayaasha deegaanka iyo baarlamaannada dowlad-goboleedyada.
Hannaankan wuxuu bedelaya nidaamkii doorashooyinka dadban ee muddo dheer dalka ka jiray, kaas oo door muuqda ay ku lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka.
Halkee ayuu geedigu ka soo bilaawday?
Doorasho toos ah oo heer qaran ah waxaa Soomaaliya ugu dambeysay 1969-kii, kadibna waxaa hoggaanka dalka la wareegay ciidamada oo laalay xisbiyadii siyaasadda iyo hannaankii doorasho ee la qaban jiray. Kadib buruburkii dowladdii dhexe waxaa loo guuray nidaam doorasho oo dadban, iyadoo xildhibaannada iyo madaxda lagu soo xuli jiray habab ay qayb weyn ku lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta.
Dadaallada lagu soo celinayo doorashada qof iyo cod ayaa dib u xoogaystay sannadihii u dambeeyay, waxaana la dhisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo loo igmaday maamulka doorashooyinka dalka. Ujeedada loo qaaday tallaabadan waxay ahayd in dib loo soo celiyo hannaan siinaya muwaadinka fursad uu si toos ah ugu doortaan cidda matalaysa.
Banaadir: Tijaabadii ugu horreysay
Gobalka Banaadir ayaa noqday goobtii ugu horreysay ee lagu qabto doorasho qof iyo cod ah. Doorashadu waxay dhacday 25-kii Diseembar 2025, waxaana codbixintu ka dhacday 16 degmo iyo boqolaal xarumood oo codbixineed.
Waxaa ku tartamay 1,604 musharax oo u kala qeybsan 1,246 ragg ah iyo 358 dumar ah oo ka socday 20 xisbi siyaasadeed si ay u helaan 390 kursi oo golaha deegaanka ah. Degmooyinka Qaybta A waxay dooranayeen 27 xubnood, halka Qaybta B ay dooranayeen 21 xubnood.
Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada (JSP) ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galay kaalinta koowaad isaga oo helay 98,421 cod oo u dhiganta (46.7%). Maxkamadda Sare ayaa ansixisay natiijada iyadoo ay jirto cabasho ka timid kooxaha mucaaradka. 390-ka xildhibaan ee golaha deegaanka ayaa la dhaariyay 2-dii Abriil 2026.
Doorashada Banaadir waxay albaabka u furtay qorshe in badan lagu taamayay in la hirgeliyo laakin ay ku hor gudbanaayeen caqabado is biirsaday. Muwaadiniintu waxay si toos ah u dhiibteen codkooda halkii ay ergo ama odayaal dhaqameed uga wakiilan lahaayeen.
Koonfur Galbeed: Doorasho iyo qalalaase siyaasadeed
Koonfur Galbeed ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horreeyay ee lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.
Ka hor doorashada, maamulka oo uu xilligaas hogaaminayay Cabdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka 17-kii Maarso 2026 laakin cadaadis badan kadib wuxuu ku dhawaaqay inuu iscasilay 30-kii Maarso, waxaana Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu u magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi inuu noqdo hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Codbixinta Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka waxay dhacday 10-kii Maajo 2026 iyadoo ka dhacday 13 degmo oo ka tirsan Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Diiwaangelinta waxaa lagaga sameeyay 91 xarun, waxaana is diiwaangeliyay 376,212 codbixiye (164,716 ragg ah iyo 211,496 dumar ah), oo ay ku jiraan 4,781 codbixiyayaal qaba baahiyaha gaarka ah.
Golaha Wakiilada waxaa ku tartamay 394 halka Golaha Deegaanka ay ku tartameen 1,297 musharax oo ka socday 18 urur siyaasadeed.
Dhinaca Mucaaradka, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin siyaasiyiin horay dalka usoo hogaamiyay iyo madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen hannaanak doorashada
Waxaa codka dhiibatay 132,430 codbixiye. 95-ka kursi ee Golaha Wakiillada xisbiga JSP wuxuu helay 51, waxaana kaalinta labaad galay NPU oo helay 14 kursi.
10-kii Juun 2026, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa loo doortay Hoggaamiyaha Maamulka isagoo helay 88 cod , halka musharaxii la taramayaya uu ee Cabdiaziz Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu helay 1 cod. Madaxweynihii hore ee maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qaadacaya hannaanka doorasahda ka hor doorashada.
Galmudug: Doorasho dhacday, natiijadiina la laalay
Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa 30-kii Luulyo 2026 ka dhacay doorashooyin isku sidkan ah oo loogu tartamayey Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka.
Guddiga Doorashooyinku wuxuu sheegay in ay is diiwaangeliyeen 215,860 codbixiye oo u kala qeybsan (116,590 Mudug iyo 99,270 Galgaduud).
ku dhawaad 300 oo xarumo codbixineed oo ku yaalla 11 degmo ayaa la diyaariyay. Waxaa tartamay 369 musharax oo ka socday 12 urur si ay ugu loolamaan 89 kursi oo golaha wakiilada ah, iyo 924 musharax oo ka socday 16 urur oo u tartamayay 243 kursi oo golaha deegaanka ah.
Waxaa codka dhiibatay 197,971 qof. Xisbiga JSP wuxuu helay 115 kursi oo golaha deegaanka ah iyo 63 kuris oo wakiilada ah ka dib markii uu helay 106,388 cod (55.55%).
Hase yeeshee, 24-kii Agoosto, Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa laashay natiijadii doorashada, iyadoo sheegtay in habkii loo maamulay loona qabtay doorashadu aanu waafaqsanayn Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka. Maxkamaddu waxay amartay in doorashada dib loo qabto.
Kiiska Dacwada waxaa Maxkamadda Sare u gudbiyay Ururka Siyaasadeedka Towfiiq, oo ka mid ahaa dhinacyadii ku tartamay doorashada. Guddiga doorashooyinka ayaa markii dambe sheegay inuu aqbalay go'aanka Maxkamadda Sare, isla markaana uu qaban doono doorasho cusub.