Muqdisho (Dawan ) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyo madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga wada hadleen doorashooyinka soo socda ee dalka.
Qoraal uu Farmaajo ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu la yeeshay labada hoggaamiye kulan wada-tashi ah, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray hannaanka doorashada iyo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan dalka.
"Kulankaasi waxa uu si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay wada-tashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha taagan" ayuu Farmaajo ku yiri, qoraalka.
Hoggaamiyeyaashu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed iyo khataro amni.





