Mogadishu (Dawan ) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa soo saartay digniin ku saabsan roobab xooggan iyo khataraha fatahaadaha ee ka dhalan kara roobabkaas, iyadoo la filayo inay ka da’aan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya laga bilaabo 6-da ilaa 13-ka May 2026.
SoDMA ayaa sheegtay in roobabka la filayo ay noqon doonaan kuwo ku fida gobollada sida Gedo, Bay, Bakool, Jubaland iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka, iyadoo roobabkaasi lagu qiyaasay inay gaari doonaan 80mm illaa 100mm, taas oo ka badan xadiga caadiga ah ee 50mm. Roobabkan xooggan ayaa sidoo kale la filayaa inay saameeyaan gobollada Shabeellaha Dhexe, Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo fatahaado.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujinaysa in roobabkan ay ku fidi doonaan dhulka xeebaha iyo deegaannada bannaanka ah, taasoo keeni karta isbeddello la xiriira xaaladda cimilada iyo dhibaatooyin ka dhasha roobabka.


