Soomaaliya, 30 Oktoobar 2025 – Mowliid oo sidoo kale loo yaqaan Ja’far Dheere, wuxuu ka soo jeedaa jufada Ogaden ee ka tirsan beelaha Daarood, wuxuuna ku dhashay gobolka Soomaalida ee Itoobiya (Soomaali-Galbeed).
Ja’far Dheere wuxuu saaxiib dhow la ahaa Axmed Cabdi Godane, oo ahaa hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab, waxaana la sheegay in labadooduba ay isku jaamacad ka wada barteen dalka Pakistan.
Ja’far Dheere wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ugu horreeyay ee Al-Shabaab. Lacagihii ugu horreeyay ee kooxdaas la isticmaalay ayaa la sheegay in laga soo xaday magaalada Wajaale ee waqooyiga Soomaaliya, taas oo uu isaga iyo Godane keeneen.
Dheere wuxuu markii dambe ku biiray Midowgii Maxkamadihii Islaamiga (ICU) – koox xoog ku qabsatay meelo badan oo Soomaaliya ah. Kadib markii Itoobiya ay duullaanka ku qaaday Soomaaliya sanadkii 2006, wuxuu ka qayb qaatay halgankii ICU ee ka socday Muqdisho, ilaa markii dambe lagu xoojiyey dagaalyahannadii Al-Shabaab ee uu hoggaaminayey saaxiibkiis Godane.
Markii dambe, Dheere wuxuu noqday gacanta midig ee Godane, wuxuuna loo magacaabay madaxa ilaaladiisa gaarka ah (Wiqa’i). Kadib geeridii Godane, waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee jabhatka Al-Shabaab ee hawlgallada gudaha Itoobiya.
26-kii Oktoobar 2025, weerar cirka ah oo ka dhacay degmada Bu’aale ee Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay Dheere, isagoo ku dhuumanayay guri ku yaallay magaaladaas.





