Budapest (Dawan) – Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ayaa difaacatay koobka Champions League kadib markii ay rigoorayaal 4–3 ah kaga adkaatay Arsenal ciyaartii kama dambaysta ahayd ee lagu qabtay garoonka Puskás Arena ee magaalada Budapest.
Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si firfircoon, waxaana daqiiqaddii lixaad hoggaanka u dhiibay Kai Havertz kaddib qalad ka dhacay daafaca PSG. Weeraryahanka Jarmalka ayaa kubbad uu helay si qurux badan u dhammeystiray, taasoo Arsenal siisay bilow riyo wanaagsan leh.
PSG ayaa dib u qaabeyn samaysay si ay jawiga ciyaarta ugu soo noqoto si tartiib ah, iyadoo si awood leh ula wareegtay y inta badan kubbadda isla markaana cadaadis saartay difaaca Arsenal. Si kastaba ha ahaatee, kooxda London ayaa si adag u difaacatay goolkeeda intii lagu jiray qeybta hore ee ciyaarta.
Qeybtii labaad, PSG ayaa sii kordhisay cadaadiska, waxaana daqiiqaddii 65-aad loo dhigay rigoore kaddib markii Khvicha Kvaratskhelia lagu galay qalad xerada ganaaxa gudaheeda. Ousmane Dembélé ayaa goo u bedelay rigooradaas, isaga oo ciyaarta ka dhigay 1–1.
Labada kooxood ayaa ku guuldarreystay inay kala baxaan waqtigii caadiga ahaa iyo kii dheeriga ahaa, taasoo keentay in la isla gaaro ugu dambeyntii rigoorayaal.


