Muqdisho, 04 April 2025 – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay qabatay 124 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku wajahnaa safarro tahriib ah saddexdii bilood ee ugu dambeysay. Dhalinyaradan oo da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 25 sano ayaa la qabtay xilli ay qorsheynayeen inay si sharci darro ah uga dhoofaan dalka una socdaan waddamada Yurub, Aasiya iyo Afrika.
War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in dhammaan dhalinyarada la qabtay lagu helay caddeymo muujinaya inay ku lug lahaayeen tahriib sharci darro ah, isla markaana lagu wareejiyay hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka.