Jabuuti (Dawan)– Urur-goboleedka Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa soo dhoweyay qabsoomidda doorashada degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka dhacday Muqdisho 25-kii Diseembar, waxa uuna ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ka hanaqaada Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay IGAD, ayaa lagu sheegay in horumarka dhinaca amniga uu suurageliyay in doorashadu u dhacdo si habsami leh. Ururku waxa uu bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya doorkii ay ka qaateen fududeynta iyo hirgelinta geeddi-socodka doorashada.
IGAD ayaa sheegtay in doorashadan ay tahay tallaabadii ugu horreysay ee loo qaaday dhanka doorashooyin toos ah oo ay muwaadiniintu ku soo dooranayaan wakiilladooda, taas oo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo dimuqraadiyadda guud ahaan dalka.





