Jabuuti, 27 Diseembar 2025 ( Dawan) – Ururka Iskaashiga Dowladaha Bariga Afrika (IGAD) ayaa bayaan uu soo saaray ku taageeray midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii uu soo baxay go’aankanka ku saabsan aqoonsiga Israa’iil.
Bayaanka IGAD oo Jimcadii la soo saaray ayaa lagu adkeeyay in Soomaaliya ay tahay dal xubin ka ah IGAD oo madax-bannaan, midnimadeeda iyo dhuleedna si buuxda loogu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah. Ururku wuxuu sheegay in aqoonsi dhinac kaliya ah uu ka hor imanayo Axdiga Qaramada Midoobay, Sharciga Dhismeedka Midowga Afrika, iyo Heshiiskii lagu aasaasay IGAD.








