Muqdisho (Dawan ) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay maanta fuliyeen duqeyn lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al‑Shabaab. Howlgalkan ayaa ka dhacay waddada u dhexeysa Masaajid Cali Gaduud iyo Daaru Salaam ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
"Duqeyntan ayaa lagu dilay 15 dhagar-qabe, waxaana halkaas si buuxda loogu burburiyey gaari ay u adeegsanayeen dhigista miinooyinka, iyo dhammaan hubkii saarnaa" ayaa lagu yiri, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in in xubnaha la beegsaday ay ku guda jireen aasidda miinooyin waddooyinka la dhigo, isla markaana howlgalka si gaar ah loogu bartilmaameedsaday gaari ay wateen oo siday walxaha qarxa, kaas oo gebi ahaanba la burburiyay, hubkiina lagu gubay.







