Muqdisho, Soomaaliya – In ka badan 110,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda, kaddib dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, sida ay sheegtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isu-dubbarridka Gargaarka Bani’aadannimo (OCHA).
OCHA ayaa intaas ku dartay in dagaal beeleedyo is-daba joog ah oo ka socda meelo kala duwan ay sababeen in kumannaan qof oo dheeraad ah ay barakacaan bilooyinkii la soo dhaafay. Dhanka kale, abaaro daba-dheer iyo roobab yaraaday ayaa sii xoojiyay barakaca.