Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo sidoo kale xoojinaya xiriirka siyaasadeed iyo nabadgelyada labada dal. Tallaabadan ayaa timid kadib booqasho rasmi ah oo wafdi heer sare ah oo Itoobiyaan ah ku yimaadeen Muqdisho, wafdigaas oo uu hoggaaminaysay Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Aisha Mohammed.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashiga ku saabsan hawlgalka AUSSOM, kor u qaadista booqashooyinka is-dhaafsiga ah ee madaxda labada dal, iyo iskaashiga la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Heshiisyada la gaaray waxaa ka mid ah:
Kulammada waxaa lagu xoojiyay farriin rasmi ah oo uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, soo diray, taasoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal. Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya ayaa sidoo kale ku adkeysay muhiimada iskaashiga labada dhinac si loo gaaro nabad iyo horumar waara.
Inkasta oo Dowladda Soomaaliya aysan weli ka soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan heshiiskan, horey ayay u sheegtay inay dib u eegis ku sameynayso mowqifkeedii hore ee ka dhanka ahaa ka qaybgalka Itoobiya ee hawlgalka AUSSOM.






