Addis Ababa (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa daah-furay warshad cusub oo soo saarta qalabka dhismaha ee dhoobada oo laga hirgeliyay magaalada Mojo ee gobolka Oromiya, sida ay sheegtay warbaahinta SRTV.
Warshadda oo ay dhistay shirkadda Grandeur Ceramic Manufacturing PLC ayaa lagu maalgeliyay in ka badan laba bilyan oo birr, oo u dhiganta qiyaastii $12.4 milyan, waxaana lagu dhisay muddo sagaal bilood gudahood ah.
SRTV ayaa sheegtay in warshaddu ku fadhido dhul dhan 300,000 oo mitir oo laba jibbaaran, iyadoo loo arko mashruuc muhiim ah oo taageeraya qorshaha dowladda Itoobiya ee “Made in Ethiopia”, kaas oo lagu doonayo in lagu kordhiyo waxsoosaarka gudaha iyo awoodda warshadaha dalka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in boqolkiiba 80 agabka ee warshaddu isticmaasho laga helo deegaanno ku yaalla meel 100 kiiloomitir u jirta warshadda, taas oo la filayo inay kor u qaaddo shaqo-abuurka iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha bulshada deegaanka.


