Jabuuti, 27 Diseembar 2025 (Dawan)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si xooggan u cambaareysay go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, iyagoo tallaabadan ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo khatar ku ah xasilloonida gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in go’aankan uu wiiqayo qawaaniinta aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, gaar ahaan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo xuduudaha si caalami ah loo aqoonsan yahay.







