Doraleh, Jabuuti – Taliyaha Ilaalada Xeebaha Jabuuti, Colonel Wais Omar Bogoreh, ayaa magaalada Doraleh ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayay Kęstutis Lančinskas, Madaxa Hawlgalka EUCAP Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahayd Dania Cossa, Madaxa Hawlgalada EUCAP Soomaaliya. Kulankan ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga amniga badda iyo horumarinta wada shaqaynta labada dhinac.
Madaxda labada dhinac waxay si gaar ah u lafagureen arrimaha la xiriira ammaanka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab-el-Mandeb, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo xasilloonida badda.