Jabuuti, 29 December 2025 (Dawan) — Jabuuti ayaa maanta oo Isniintii ah laga xusay Maalinta Qaranka ee Saxaafadda, iyada oo ay munaasabadda kasoo qeyb galeen xubno ka tirsan dowladda, wakiillo diblomaasiyadeed, suxufiyiin iyo ardayda Jaamacadda Jabuuti.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada, Ridwaan Cabdillaahi Baahdon, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay saxaafaddu u leedahay dalka, nolosha dadka iyo horumarinta dimuquraadiayadda.
Sanadkan, waxaa halku dhig loo doortay “Horumarka Saxaafadda Qaranka”iyada oo dib u eegis lagu sameeyay isbeddelladii ay soo martay saxaafadda Jabuuti tan iyo 1999.
Wasiir Baahdon ayaa sheegay in la sameeyay “Kacaan dhab ah” oo ku aaddan warbaahinta, isaga oo tusaale u soo qaatay casriyeynta kaabayaasha iyo studio-yada, u guuridda dhanka dijitaalka iyo kordhinta warbaahinta online-ka ah, sida baraha bulshada
Wuxuu sheegay in isbeddelladan ay suurta geliyeen in ay soo baxaan “jiil cusub oo suxufiyiin ah oo tababaran oo awood u leh inay kasoo baxaan shaqadooda”, isla markaana saxaafadda Jabuuti ay ku tilmaanaato kala duwanaansho, tayo iyo xirfadnimo.




