Nairobi (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga, nabadda iyo horumarka gobolka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Narok ee dalka Kenya.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, xasilloonida, ganacsiga, maareynta xuduudaha iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta booqasho ku tegay Kenya, ayaa dhiggiisa William Ruto kala hadlay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii xoojiyaan wadashaqeynta ka dhaxeysa, maadaama Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan dano amni, dhaqaale iyo bulsho oo muhiim u ah mustaqbalka gobolka.