Kenya, 1 November 2025 – Kenya oo ka mid ah dalalka Afrika ee la kulmaya kororka kiisaska cudurka MPox ( Monkeypox), iyadoo nooc cusub oo loo yaqaan clade Ib—uu ka gudbay qaaradda markii ugu horreysay, sida lagu sheegay warbixinta Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Khamiistii..
Warbixinta Sebtembar 2025 ayaa diiwaangelisay 3,135 kiis oo la xaqiijiyay iyo 12 dhimasho oo caalamka ah, in ka badan 80% na ay ka dhaceen Afrika.
Toddoba iyo toban dal oo Afrikaan ah ayaa soo sheegay faafitaan joogto ah lixdii toddobaad ee la soo dhaafay. Kenya, Liberia, Ghana, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ka mid ah kuwa si xun u saameeyay. Xogta WHO waxay muujinaysaa koror kiisaska ah Kenya iyo Liberia, halka Congo ay hoos u dhacday.
Hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dhammaan noocyada mpox ee la yaqaan ay weli ku jiraan faafitaanka caalamka, iyadoo jirto halis ah in faafitaanka bulshada uu sii socdo haddii aan si dhakhso ah looga hortagin.
Xogta Kenya (19 Oktoobar 2025) ee WHO:
- 708 kiis oo la xaqiijiyay
- 9 dhimasho
- Heerka dhimashada kiisaska: 1.3%
- Fayrasku wuxuu ka soo muuqday 66% degmooyinka dalka
- Mombasa ayaa lagu diiwaangeliyay 41% kiisaska, inta badan dad da’doodu u dhaexeyso 25–44 jir.
Inkastoo Wasaaradda Caafimaadka ee Kenya aysan soo saarin war cusub oo qaran, xogta WHO ee gobollada ayaa tilmaamaysa in Caabuqu uu sii kordhayo, gaar ahaan xeebaha iyo magaalooyinka. Clade Ib mpox ayaa horey looga helay gudaha, taasoo ka dhigaysa Kenya mid ka mid ah dalalka Bariga Afrika ee ugu horreeya ee la kulma noocan cusub.
Khabiirada caafimaadka ee Kenya ayaa ku boorinaya in la feejignaado. “Mpox ma baaba’in—wuu isbeddelayaa,” ayuu yiri cilmi-baadhe ku takhasusay cudurrada faafa ee Nairobi. “Ogaanshaha hore iyo wacyigelinta bulshada ayaa muhiim u ah in la joojiyo faafitaanka joogtada ah.”
Caalamka, clade Ib waxaa hadda laga helay Malaysia, Namibia, Netherlands, Portugal, iyo Spain. Kiisaska laga soo dhoofiyey ayaa sidoo kale laga soo sheegay Belgium, Canada, Germany, Italy, Qatar, iyo Spain.
Lix dal oo kala ah Italy, Malaysia, Netherlands, Portugal, Spain, iyo Maraykanka—ay aa soo sheegeen faafitaan gudaha ah dalka ah, taasoo ka dhigan in fayrasku uu ku faafayo dadka aan dhawaan safar ugu tegin meelaha uu ku faafay.
WHO ayaa xoogga saartay in dadaallada xakameynta—tijaabinta, raadraaca xiriirka, iyo wacyigelinta bulshada—ay weli muhiim yihiin.
Mpox ayaa ah cudur uu keeno fayras dadka uga gudba xayawaannada uu ku dhacay, waxaana sidoo kale lagu kala qaadi karaa xiriir dhow oo toos ah oo u dhexeeya dadka. isagoona sababa qandho, xanuun muruqyada ah, iyo finan waaweyn oo maqaarka kasoo baxa, taasoo mararka qaar keenta dhimasho.
Isha: Anadolu Agency




