Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Xasan Maalim, ayaa sheegay in Maamulka SSC-Khaatumo uu 25 maxaabiis u wareejiyay Dowladda Federaalka si shuruud la'aan ah, isagoo ugu baaqay maamulka Somaliland inay qaadaan tallaabo la mid ah, isla markaana sii daayaan maxaabiista ku xiran Hargeysa.
Wasiir Maalim ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ku sheegay in maxaabiistaasi gacanta lagu soo dhigay xilliyadii dagaallada ka dhacaayay SSC-Khaatumo iyo Somaliland, isagoo tilmaamay in la xushay maxaabiistaasi iyadoo lagu salaynayo muhiimadooda iyo doorkooda dagaalka.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka sidoo kale ay qiimeysay xaaladda maxaabiista kale ee weli xiran, isagoo xaqiijiyay inay si wanaagsan ula dhaqmaan iyo in xuquuqdooda aasaasiga ah la ixtiraamayo. “Waxay noo sheegeen in waxa keliya ee ka maqan yahay ay tahay xorriyadooda,” ayuu yiri.