Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda in ay galaan guryaha shacabka, isla markaana ka qaataan dahabka iyo mobilada, iyaga oo ku gambanaya baaritaanno. Waxa uu arrintaasi ku tilmaamay dhaqan sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga shacabka.
Khayre ayaa sheegay in dhaqankan cusub uu billowday habeenadii u dambeeyay, isla markaana uu ka dhashay baaritaanno lagu gambanayo oo hantida shacabka si toos ah looga qaadanayo, iyada oo aan sharci loo marin.
“in dadka shacabka ah guryahooda la galo, bannaanka la isugu keeno, indhaha laga xiro, gabdhaha dahabkooda iyo mobiladooda gadaal looga qaato guryaha laga soo uruursado, dhaqan dowladeed ma aha,” ayuu yiri Khayre.


