Nairobi (Dawan)– Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa hakisay bandowgii habeenimo iyo xayiraadihii socdaalka ee saarnaa gobollada Lamu, Gaarisa iyo Tana River, kuwaas oo jiray ku dhowaad sagaal sano, iyadoo la sugayo go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan sharciyaddooda.
Garsoore J.N. Nyagah ayaa soo saaray amar ku meel gaar ah oo lagu joojinayo fulinta bandow la dhaqan-geliyay sanadkii 2017, kadib dacwad laga gudbiyay oo ka dhan ah sharci ahaanshihiisa.
Bandowgan ayaa la soo rogay 9-kii July 2017, xilli dowladda Kenya ay wajahaysay weerarro loo aaneynayay Al-Shabaab iyo sidoo kale colaado beeleedyo ka jiray qaybo ka mid ah Lamu, Gaarisa iyo Tana River.
Dacwadda waxaa gudbiyay madax ka tirsan bulshada deegaanka iyo 22 qof oo kale, kuwaas oo ku dooday in xayiraadahaasi ay saameyn weyn ku yeesheen xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo dhaqaalaha shacabka.


