Muqdisho (Dawan) – Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa amray dhammaan macallimiinta aan weli ka diiwaangashan nidaamka waxbarashada inay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan, si loo xoojiyo tayada waxbaridda iyo horumarinta xirfadaha macallimiinta.
Agaasinka ayaa sheegay in diiwaangelintu ay qayb ka tahay qorsheynta tababarrada, ruqsad siinta macallimiinta, iyo la socodka shaqaalaha waxbarashada. Sidoo kale, nidaamkan ayaa gacan ka geysanaya qorsheynta miisaaniyadda tababarrada iyo horumarinta xirfadaha macallimiinta ee gobolka.
Maamulayaasha dugsiyada ayaa laga codsaday in ay xogta macallimiinta u gudbiyaan Agaasinka Waxbarashada, halka macallimiinta aan weli la diiwaangelin laga doonayo inay si toos ah isu diiwaangeliyaan si loo dhameystiro nidaamka diiwaangelinta.


