Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta magacaabay Guddiga Qaran ee Agaasinka iyo Qabanqaabada Xuska 18-ka May 2025. Oo ku beegan maalin ay Soomaaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu xustay muhiimadda maalinta 18-ka May u leedahay shacabka Somaliland, iyadoo la tixraacay doorka ay leedahay xoojinta midnimada iyo sumcadda caalamiga ah ee Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in sannadkan uu yahay kii ugu horreeyay ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad xilka haysato, sidaas darteedna loo baahan yahay in xuska sannadkan si heer qaran ah loo abaabulo.