Hargeysa, Somaliland – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay wareegto rasmi ah oo lagu mamnuucayo in isbitaallada gaarka loo leeyahay ay lacag ka qaadaan askarta ku dhaawacanta difaaca qaranka, iyada oo la farayo in ay si bilaash ah u daweeyaan.
Wareegtadan oo la faray dhammaan isbitaallada gaarka ah ee ka howlgala Somaliland, ayaa ujeedadeedu tahay in la xaqiijiyo daryeel caafimaad oo degdeg ah oo ay helaan ciidamada qaranka, si waafaqsan mas'uuliyadda ay dowladda ka saaran tahay daryeelkooda.
Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareegtada: