Gacanka Cadmeed (Dawan)— Lix qof oo hubeysan ayaa la wareegay markab shidaaal oo marayay Gacanka Cadmeed, waxaana markii dambe loo weeciyay dhanka Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO).
Dhacdadan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 136 mayl-badeed dhanka bari kaga beegan magaalada Al Mukalla ee Yemen, xilli markabku u socday dhanka galbeed. Markabka ayaa markii hore diray baaq degdeg ah, isagoo sheegay in doon aan la aqoonsan ay kusoo dhawaatay.
UKMTO ayaa warbixin dambe ku xaqiijisay in lix qof oo hubeysan ay fuuleen markabka, lana wareegeen gacan-ku-hayntiisa, islamarkaana ay beddeleen jihadii uu ku socday, iyagoo u leexiyay dhanka Soomaaliya.