Soomaaliya, 9 Abriil 2026 (Dawan) — Markabka muddada dheer la sugayay ee Turkiga ee lagu magacaabo Çağrı Bey, ayaa soo gaaray biyaha Soomaaliya si uu u bilaabo qodista shidaalka ee badda, sida ay ku dhawaaqeen mas'uuliyiin ka tirsan Soomaaliya iyo Turkiga.
Markabkan ayaa ka soo kicitimay dekedda Mersin Taşucu ee dalka Turkiga 15-kii Febraayo, wuxuuna Soomaaliya soo gaaray dekadda muqdisho 9-ka Abriil oo maanta ah.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta ee Turkiga, markabkan ayaa ah jiilka toddobaad ee nuuca qodista moolka dheer (ultra-deepwater), dhererkiisuna waa 228 mitir, ballaciisuna waa 42 mitir, isagoo awood u leh inuu qodo illaa 2,000 oo mitir.
Waxaa la filayaa inuu hawlgalkiisa ka bilaabo ceelka Curad-1aad, oo qiyaastii 372 km u jira xeebta Muqdisho.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ceelka Curad-1 la qorsheeyay inuu gaaro mool gaaraya 7,500 oo mitir, iyadoo hawlgalku uu socon doono qiyaastii 288 maalmood. Markabkan ayaa la sheegay inuu yahay markabkii ugu horreeyay ee Turkigu leeyahay ee qodista moolka dheer kaasoo ka hawlgala meel ka baxsan dalkooda.


