Jigjiga (Dawan) – Mashruuca waddada Diridhaba ilaa Shiniile, oo ku baxaya lacag ku dhow 25 milyan oo dollar (1.3 bilyan oo birr), ayaa si rasmi ah loo bilaabay, sida ay sheegeen Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo, Aadan Faarax Ibraahim, iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar.
Waddadan oo isku xiraysa Diridhaba iyo magaalada Shiniile, oo gaareysa masaafo dhan 10.5 km, ayaa si weyn loo casriyeeyay, iyadoo hore ay u ahayd waddo adag oo aan ku habboonayn isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Mashruucan ayaa hadda loo beddelay waddo laami ah, taasoo fududeynaysa isu socodka dadka iyo badeecadaha labada magaalo iyo deegaannada ku xeeran.
Wasiir Aadan Faarax Ibraahim ayaa sheegay in mashruucani yahay mid ka mid ah qorshayaasha dowladda ee lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in waddada cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonto isku xirka bulshada iyo kobcinta ganacsiga gobolka.


