Washington (Dawan)- Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in la gaaray xabbad-joojin ku meel gaar ah oo u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, isagoo sheegay in horumar weyn laga sameeyay heshiis kama dambeys ah oo lagu gaari karo nabad waarta.
Trump ayaa sheegay in Washington ay heshay soo jeedin ka kooban 10 qodob oo ay soo gudbisay Iiraan, taas oo uu ku tilmaamay saldhig lagu bilaabi karo wadahadal dhab ah. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Mareykanku oggolaaday in uu hakiyo weerarrada iyo duqeymaha ka dhanka ah Iiraan muddo laba toddobaad ah, si fursad loogu siiyo dhammeystirka heshiiska.
Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in inta badan qodobbadii khilaafka ahaa ee u dhexeeyay labada dal lagu heshiiyay, isla markaana Washington ay sheegtay in ay gaartay dhammaan ujeeddooyinkeedii militari ee la xiriiray Iiraan.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cabaas Caraghchi, ayaa sheegay in haddii weerarrada ka dhanka ah Iiraan la joojiyo, ciidamada Iiraan ay sidoo kale joojin doonaan howlgallada difaaca. Wuxuu intaa ku daray in maraakiibta caalamiga ah ay si nabad ah uga gudbi karaan marinka Hormuz muddo laba toddobaad ah, iyadoo la kaashanayo ciidamada Iiraan.
Qodobbada ugu muhiimsan ee Iiran soo jeedisay
Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iiraan ayaa sheegay in soo jeedinta 10-ka qodob ay ka mid yihiin:
In labada dhinac ay iska ilaaliyaan weerarro toos ah.
In Iiraan ay sii haysato xakamaynta marin-biyoodka Hormuz.
In maraakiibta ay ka gudbaan marinka iyagoo la shaqeynaya ciidamada Iiraan.
In la aqbalo sii wadista kobcinta uranium-ka.
In la qaado dhammaan cunaqabataynta saaran Iiraan.


