Addis Ababa (Dawan)- Cumar Cismaan Nuur (Cumar Faaruuq), madaxa Joornaaleystayaasha Afrika, oo wareysi gaar ah siiyay Dawan Media, isaga oo ku sugan xarunta Midowga Afrika ayaa ka hadlay kaalinta looga baahanyahay warbaahinta Soomaaliyeed inay ka ciyaarto la socodka iyo faafinta arrimaha caalamiga ah gaar ahaan qaaradda Afrika.
Cumar Faaruuq ayaa tilmaamay in suxufiyiintu ay laf-dhabar u yihiin go'aanada masiiriga ah ee qaaradda , isaga oo tilmaamay inay jiraan warbaahin gaar loo leeyahay oo kusoo badaneysa ka qeybgalka shirarka caalamiga ah iyo soo tebinta go’aamada iyo dhacdooyinka Afrika.
Waxa uu xusay in joogitaanka warbaahinta Soomaaliyeed ee shirka Midowga Afrika uu muhiimad gaar ah leeyahay, maadaama go’aamada Midowga Afrika ay si toos ah u saameeyaan Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa in suxufiyiintu ay shacabka Soomaaliyeed gaarsiiyaan xog dhab ah oo ku saabsan dhacdooyinka ka baxsan dalka iyo sida masuuliyiinta u metela Soomaaliya u shaqeynayaan.





