Muqdisho (Dawan)- Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in mucaaradku ka filayaan Turkiga in dhexdhexaadintiisu noqoto mid loo dhan yahay, isla markaana lagu waafajiyo dadaallada kale ee ay wadaan beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo dalalka reer Galbeedka.
Cabdiraxmaan, oo ka hadlayay Miizaan Podcast, ayaa sheegay in wafdiga Turkiga ee ku lug leh dhexdhexaadinta ay la kulmeen dowladda Federaalka, mucaaradka iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo muujinaysa in Turkigu uu isku dayayo inuu wada-hadal guud fududeeyo.
Wuxuu sheegay in Turkigu markii hore doonayay in siyaasiyiinta loo kala qaabilo si shakhsi-shakhsi ah, balse mucaaradku ay ka dalbadeen in arrinta loo maro madal siyaasadeed oo mideysan, isaga oo yiri: “Annaguna waxaan niri: horta annaga strategy iyo madal baa nahay, individual ma nihin.”
Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in Turkiga uu saameyn muuqata ku leeyahay maamulka hadda jira ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse uu sheegay in saameyntaas aysan si isku mid ah ugu fidin mucaaradka, taas oo dhalisay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan dhexdhexaadinta.