Kismaayo 20 Diseembar 2025 (Dawan)- Shir-wada-tashi oo ay isagu yimaadeen mucaaradka iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kana dhacay magaalada Kismaayo, ayaa laga saaray war-murtiyeed adag oo si weyn loogu dhaliilay waxqabadka dowladda federaalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo lagu baaqay in si degdeg ah loo furo wadahadal lagu gaari karo doorasho ku dhacda waqtigeeda isla markaana lagu wada heshiiyo.
Shirka, oo socday muddo saddex maalmood ah intii u dhaxaysay 18–20 Diseembar, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, mas’uuliyiin hore oo xilal sare ka soo qabtay dalka, iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah. Ka qeybgalayaashu waxay dib u eegis ku sameeyeen guud ahaan xaaladda dalka, iyagoo diiradda saaray arrimaha maamul-wanaagga, amniga, xaaladaha bani’aadannimo iyo geeddi-socodka doorashooyinka.
War-murtiyeedka kama dambaysta ah ayaa lagu eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku fashilantay hirgelinta maamul hufan, isla markaana ay qaadday siyaasado lagu tilmaamay kuwo kala qaybinaya bulshada, isla markaana wiiqaya midnimada qaranka iyo nidaamka dastuuriga ah. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in wax-ka-beddelladii lagu sameeyay dastuurka inay hoos u dhigeen dheellitirka awoodda hey'adaha dowladda, isla markaana ay u oggolaadeen qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada inay xilka sii hayaan kaddib marka uu dhammaaday muddo-xileedkoodii sharciga ahaa.



