Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in laga bilaabo 24-ka May 2026, si ku meel gaar ah loo hakiyay oggolaanshaha safarada loo yaqaan OK-to-Board ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u socda dalka Masar.
Hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu ka dambeeyay caqabadaha dhowaan ka soo wajahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka ku maraya Masar.
Waa maxay OK-to-Board?
OK-to-Board waa oggolaansho safar oo ku meel gaar ah oo inta badan la siiyo dadka u dhashay dalalka Afrikaanka ah ee u safraya dalka Masar, ayna ku raacaan diyaaradaha u socda Masar, dabadeedna ay dal-ku-gal ka qaataan garoonada dalkaasi kadib marka ay bixiyaan lacagta visaha.
Nidaamkan safarka waxaa marka hore codsada shirkadaha tikidhada ee Soomaaliya iyo Masaarida, dabadeedna waxaa ansixiya hay’adaha amniga ee Masar, iyadoo loo soo mariyo isla shirkadaha tikidhada, taas oo u suurtogalisa qofka inuu ku raaco diyaaradaha ku sii jeeda Masar.


