Muqdisho, 3 Janaayo 2025 (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga jawaabay hadallo uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku tilmaamay Soomaalida “qashin,” isagoo ku sheegay in luqaddaasi aan la aqbali karin islamarkaana ka hor imaanaysa qiyamka aasaasiga ah ee bini’aadamnimada.
Wareysi uu siiyay Al -Crabiya English maanta oo Sabti ah , ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku caddeeyay inuusan ku raacsanayn hadallada la soo sheegay, wuxuuna intaa ku daray in aan koox dad ah si guud loogu tilmaami karin si xun. “Arrintani gabi ahaanba lama aqbali karo,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo intaa ku daray in Soomaalidu yihiin “dad caqli badan, shaqo jecel, daacad ah oo ixtiraam leh,” islamarkaana aan loo tilmaami karin erayada noocaas ah. Wuxuu tilmaamay in hadalladaas laga yaabo in si khaldan loo isticmaalay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha socdaalka Soomaalida ee Mareykanka, isagoo xusay in go’aannada ku saabsan fulinta sharciyada socdaalka ay mas’uuliyad u leeyihiin hay’adaha Mareykanka. Wuxuu sheegay in Soomaalida si sharciga ah dalka ugu sugan loo oggolaado inay sii joogaan, halka kiisaska dadka aan sharciga haysan ay tahay in loo maro nidaamka sharciga Mareykanka.






