Qatar, 8 December 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii sheegay in hannaanka caddaaladda caalamiga ah uu waayay awood fulineed isla markaana ay wiiqantay sumcaddii uu ku lahaa dunida, isagoo ku baaqay in dib-u-habeyn dhammaystiran lagu sameeyo hay’adaha caalamiga ah ee dhidibada loo taagay kadib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Isagoo ka hadlayay Madasha Doha , ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh tilmaamay in dagaalkii Qaza uu muujiyey daldaloolo waaweyn oo ka jira nidaamka caddaaladda caalamiga ah, isla markaana uu abuuray baahida loo qabo in dib-u-eegis lagu sameeyo hay’adahaas.
“Dhibaatada sharciga caalamiga ah waxay tahay inuusan jirin ilaaliye aad wici karto mar kasta oo xadgudub dhaco,” ayuu yiri. Wuxuuna Madaxweynuhu tilmaamay in hababka caddaaladda caalamiga ah aysan shaqeyn karin marka dowlado awood leh ay hor istaagaan fulinta qawaaniinta si ay u ilaashadaan danahooda.






