Soomaaliya, 21 Sebteembar – Maamulka Puntland ayaa Axaddii ku dhawaaqay in la qooneenayo cutub ciidan cusub oo si gaar ah loogu xilsaaray ilaalinta deegaanka, iyadoo ujeeddadu tahay la dagaallanka xaalufka iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyas Osman Lugatoor ayaa sheegay in ciidankan cusub uu qayb ka yahay istiraatiijiyad lagu xoojinayo isku xirka amniga iyo adkaysiga deegaanka.
“Puntland waxay hadda tababar u soo xidhay 1,000 askari, kala bar waa jaamiciyiin. 180 ka mid ah waxaa loo qoondeyn doonaa ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka,” ayuu yiri Lugatoor isagoo ka hadlayay furitaanka Shirka Nabadda ee Sanadlaha ah ee Garowe.
Shirka, oo ay qabanqaabisay Xarunta Horumarinta iyo Cilmi-baarista Puntland (PDRC), oo ah hay’ad aan dowladeed ahayn oo ka shaqeysa cilmi-baarista iyo nabad-dhiska, ayaa socon doona 21–23 Sebteembar iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Cimilada, Nabadda, iyo Amniga: Dhisidda Mustaqbal Nabdoon iyo Adkaysi leh.”