Soomaaliya, 11 Nofeembar 2025 — Puntland ayaa diiday nidaamka E-Visa ee ay soo rogtay dowladda federaalka, iyadoo sheegtay in lacagaha gelitaanka ee laga qaado garoomada diyaaradaha degaanka ay sii maamuli doonto maamulka puntland ah.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdillaahi Bile Nuur, ayaa inta lagu guda jiray booqasho uu ku tagay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso Isniintii sheegay in dadka socdaalka ahi ay iska indha-tiraan awaamiirta kale, isla markaana ay lacagta gelitaanka ku bixiyaan xafiisyada garoonka marka ay yimaadaan.“Annagu haddaan puntland nahay waxaanu niri dadka xafiisyada ay ku qaadanayaan markay yimaadaan ayay ku qaadanayaan,” ayuu yiri Nuur, isagoo ugu baaqay dowladda federaalka inay hakiso siyaasaddan cusub.






