Qaahira, 20 December 2025 (Dawan)– Waxaa magaalada Qaahira ka furmay shirka wasiirrada ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaasoo looga hadlayo horumarinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyo sidoo kale arrimaha amniga iyo xasilloonida qaaradda Afrika.
Shirka furitaanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Cabdil Caadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, iyo mas’uuliyiin ka socda in ka badan 50 dal oo Afrika ah, iyo wakiillada ururo goboleedyo kala duwan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa khudbad uu jeediyay ku yiri: “Waxaan si qoto dheer u qiimeyneynaa iskaashiga ka dhexeeya Ruushka iyo Afrika, waxaana naga go’an dhisidda nidaam caalami oo cadaalad iyo xasilooni leh.”
Sidoo kale, wuxuu carabka ku adkeeyay sida ay Masar iyo bahwadaagteedu uga shaqaynayan horumarinta, dib-u-dhiska, iyo maalgelinta mashaariicda Afrika, iyada oo muhiimad gaar ah siinaya xallinta khilaafaadka si nabad ah oo ka madax bannaan faragelinta shisheeye.
Arrimaha Falastiin ayuu soo haday, wuxuuna yiri; "Waxaan si buuxda u taageereynaa dhismaha dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, waxaana si buuxda u diideynaa barakacinta dadka Falastiiniyiinta ah, waxaana taageereynaa dib-u-dhiska Gaza .”





