Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Khamiistii magaalada Muqdisho ku muujiyay taageero u hayo Somaliland, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay hanjabaad adeegsanayso halkii ay wadahadal iyo isfaham la geli lahayd maamulka iskii madaxbannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland.
Rooble oo shir jaraa’id qabtay ayaa xasuusiyay kaalintii Somaliland ku lahayd midnimada Soomaaliya, isagoo yiri: “Walaalaheen Somaliland iyagaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee calanka sudhay oo midnimada horseeday. Hase yeeshee maanta cid la fadhiisata, la hadasha ama kalsooni siisa ma helaan. Halkii taas laga sameyn lahaa, waxaa lagu hanjabayaa in la dumiyo nidaamkii ay dhiseen.”
Wuxuu ku eedeeyay Muqdisho inay caqabad ku tahay gargaarka loo marsiiyo Somaliland, isla markaana ay faafiso dacaayad lagu dhaawacayo sumcadda maamulka Hargeysa. “Gargaarka yar ee loo qoondeeyo Somaliland ee soo mara dowladda federaalka inta badan waa la xanibaa, waxaana la sii daayaa dacaayado jaban oo lagu eedeeyo lana dhaleeceeyo Somaliland,” ayuu yiri.
Rooble ayaa intaas ku daray: “Waxaan la damqanayaa Somaliland aragti la’aanta iyo faham darrada ay muujisay dowladda federaalka, waxaana idinku boorinayaa inaad si geesinimo leh hore ugu socotaan.”