Riyaadh(Dawan) — Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimo iyo Gurmadka ee Boqor Salmaan (KSrelief) ayaa heshiis la saxiixatay Hay’adda Zamzam si Soomaaliya looga fuliyo mashruuc isku-dhafan oo horumarinta beeraha ah, kaas oo la filayo inuu ka faa’iideystaan 4,800 qof, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA) Jimcihii.
Mashruuca oo qeyb ka ah hindisaha “Seed” ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero beeraleyda, kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha iyo in la dhiirrigeliyo horumar waara, sida ay SPA sheegtay.
Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday xarunta KSrelief ee magaalada Riyadh, waxaana xarunta u saxiixay kaaliyaha kormeeraha guud ee howlaha iyo barnaamijyada, Axmed bin Cali Al-Baiz, halka Hay’adda Zamzam uu u saxiixay agaasimaheeda fulinta Cumar Jaamac Aadam.