Soomaaliya, 27, September 2025 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa xalay ku dhawaaqay in banaanbaxii mucaaradka ay ku dhawaaqeen ee lagu waday inuu maanta qabsoomo dib loo dhigay, kaddib wadatashiyo ay yeesheen odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho.
Shariif oo ka hadlay shir jaraa’id oo oo ay qeyb ka mid ah mucaardka ka soo muuqdeen ku sheegay in dib-u-dhigista uu yahay codsi odayaasha bulshada ee doonayay in la hubiyo in banaanbaxyadu ku dhacaan si nabad ah oo aan khatar gelin nolosha dadka.
“Akhyaarta halkan fadhida waxay naga codsadeen Mudaharaadkaas inay u helaan hab nabadeed oo damaanad qaadaya nolosha dadka aan khatar gelinin Annagana waxay nala noqotay inaan aqbalno ,” ayuu yiri Shariif.
Madaxweynihii hore ayaa adkeeyay in dib-u-dhigistu aysan micnaheedu ahayn in la baajiyay banaanbaxa isl markana ay ku dhoci doonana sagalaka maalmood ee soo socota, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in uu weli yahay xuquuq dastuuri ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ku cabbiri karaan aragtidooda.
“Dib u dhigid kaliya waaye ma aha in la baajiyey sida shalay muhiimka u ahaa ayuu maanta muhiim u yahay,” ayuu raaciyay Shariif.
Hadalka Shariif ee xalay ayaa yimid, iyadoo maanta Muqdisho laga cabsi qabay in ay ka dhacaan bannaanbaxyo uu mucaaradku ku dhawaaqay, kuwaas oo dowladda ay diidday in ay dhacaan.